South West MoF

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Axmed Maxamed Xuseen oo uu wehliyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Qaasim Maxamed Abuukar iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cali Cabdi Aadan ayaa Golaha Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya horgeeyay odoroska miisaaniyadda sanadka 2025.

Wasiirka Maaliyadda ayaa aqrinta koowaad ee Miisaaniyadda 2025 ka codsaday Golaha Baarlmaanka in ay si faahfaasan uga doodaan qeybaha kala duwan oo ay ka kooban tahay Miisaaniyadda ayna ansaxiyaan Miisaaniyadda si ay dhaqangal u noqoto sanadka 2025.
Miisaaniyadda guud ee Dowladda ayaa lagu qiyaasay 40 Milyan oo Dollar sanadka 2025, taasoo qorshuhu yahay in lagu horumariyo adeegyada Bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo Maamulka Dowliga.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir Xafiiska Tiknoolojiyada iyo xiriirka Warbaahinta Wasaaradda Maaliyada DKGS.
📌Booqo Ciwaanada Wasaarada Maaliyadda DKGS.