Baydhabo, 31 Agoosto 2026: Wasiirka Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamed Xaaji, ayaa maanta Golaha Wakiillada horgeeyey Dib-u-eegista Miisaaniyadda Sanad-Maaliyadeedka 2026, isagoo khudbad ka jeediyey muhiimadda ay miisaaniyaddu u leedahay qorsheynta iyo fulinta mudnaanta Dowladda, isla markaana ka codsaday Golaha Wakiillada inay ansixiyaan. Kaddib dood iyo falanqeyn dheer oo ay Xubnaha Golaha Wakiilladu […]
Baydhabo: Wasiirka Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamed Xaaji, ayaa ka qeyb galay shirka amniga ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo uu guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Isaak Maxamed Isaak (Korsaar), waxaana lagu qabtay xarunta Wasaaradda Amniga ee Magaalada Baydhabo. Kulanka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan […]
Baraawe, 23 Agoosto 2026: Wasiirka Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamed Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Baraawe, Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo muhiim u ah xoojinta maamulka maaliyadda iyo adeegyada maaliyadeed ee bulshada deegaanka. Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka iyo […]
Baraawe, 22 Agoosto 2026: Wasiirka Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamed Xaaji, oo uu wehelinayo Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DKGS, Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa maanta kulan la yeeshay Isku-duwaha Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Hoose, shaqaalaha Maaliyadda Degmada Baraawe iyo hay’adaha amniga ee Gobolka.Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista dakhliga […]
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed waxay canshuur dhaaf u samaynaysaa 30% Gaadiidka dhexmara Degmooyinka kala ah Wanlweyn, Buurhakaba iyo Berdaale kadib markii ay sheegteen caqabado kala duwan oo soo wajahay. Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir Xafiiska Tiknoolojiyada iyo xiriirka Warbaahinta Wasaaradda Maaliyada DKGS. Booqo Ciwaanada Wasaarada Maaliyadda DKGS. Facebook: https://www.facebook.com/mofswss?mibextid=ZbWKwL Twitter:@mofswss Website:https://southwestmof.so/
Wasiirka Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Xuseen ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha Baarlamaanka kamid ahaa isagoo faahfaahin buuxda ka bixiyey miisaaniyadda 2025 ayna tahay mid si dhab ah uga tarjumeysa baahiyaha Shacabka. Golaha Baarlamaanka ayaa ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025, taasoo ah mid ku saleysan wadatashi iyo wadajir. Ugu dambayn Wasiirka ayaa […]
Wasiirka Maaliyadda ayaa aqrinta koowaad ee Miisaaniyadda 2025 ka codsaday Golaha Baarlmaanka in ay si faahfaasan uga doodaan qeybaha kala duwan oo ay ka kooban tahay Miisaaniyadda ayna ansaxiyaan Miisaaniyadda si ay dhaqangal u noqoto sanadka 2025. Miisaaniyadda guud ee Dowladda ayaa lagu qiyaasay 40 Milyan oo Dollar sanadka 2025, taasoo qorshuhu yahay in lagu […]