Wasiirka Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Eng. Xuseen Maxamed Xaaji( El Hagi), oo ay wehliyaan Wasiir-ku-xigeenka, Mudane Axmed Abukar, iyo Agaasimaha Guud, Mudane Cali Cabdi Aadan, ayaa maanta kulan la qaatay dhammaan waaxyaha iyo shaqaalaha Wasaaradda.
Kulanka waxaa lagu soo bandhigay natiijooyinka qiimeynta hay’adeed (Institutional Departmental Assessment), iyadoo waax kasta loo soo bandhigay daldaloolada muhiimka ah ee ka jira, iyo sidoo kale hagaajinta laga rabo inay ku sameyso 90-ka maalmood ee soo socda.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu yeeshay latashi ku saabsan dardargelinta hawlaha Wasaaradda iyo kor u qaadista dakhliga dhammaan deegaannada Koonfur Galbeed.
Wasiirka ayaa shaqaalaha ku booriyay inay si dhab ah u fuliyaan talooyinka ka soo baxay qiimeynta, isla markaana ay sii xoojiyaan wada shaqeynta, si loo gaaro himilooyinka Wasaaradda loona helo adeeg wanaagsan oo la gaarsiiyo shacabka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir Xafiiska Isgaarsiinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Email: info@mofswss.so
Facebook: https://www.facebook.com/mofswss?
Twitter: @mofswss
Website: https://southwestmof.so



