Skip to main content

South West MoF

Baydhabo, Arbaco, 7 Oktoobar 2026

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed, ahna Xubin ka tirsan Guddiga Heer Wasiir ee Isku-dubbaridka Arrimaha U-diyaargarowga iyo Ka-jawaabidda El Niño, Mudane Eng. Xuseen Maxamed Xaaji, ayaa maanta shir guddoomiyey kulan labadii toddobaadba mar la qabto, kaas oo looga hadlay isku-dubbaridka arrimaha bani’aadannimada iyo xaaladaha degdegga ah ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka waxaa ka qayb galay hay’adaha Qaramada Midoobay (UN), hay’adaha caalamiga ah iyo hay’adaha maxalliga ah ee aan dowliga ahayn (Local NGOs). Wasiirka ayaa hay’adaha ka dhagaystay warbixinno guud oo ku saabsan xaaladda iyo halka ay marayaan hawlaha gargaarka, iyadoo diiradda la saaray xaaladaha bani’aadannimo iyo u-diyaargarowga saameynta roobabka El Niño ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa hay’adaha kula dardaarmay in la dardargeliyo gaarsiinta adeegyada gargaarka bulshada ay saameeyeen roobabka culus ee Deyrta.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa hay’adaha u sheegay in Dowladda Koonfur Galbeed ay diyaar u tahay fududeynta hawlaha gargaarka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha iyo dowladda.
Shirka ayaa ugu dambayn ku soo dhammaaday is-afgarad iyo guul.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir Xafiiska Isgaarsiinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Email: info@mofswss.so
Twitter: @mofswss
Previous Wasiirka Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Eng. Xuseen Maxamed Xaaji( El Hagi), oo ay wehliyaan Wasiir-ku-xigeenka, Mudane Axmed Abukar, iyo Agaasimaha Guud, Mudane Cali Cabdi Aadan, ayaa maanta kulan la qaatay dhammaan waaxyaha iyo shaqaalaha Wasaaradda.

Leave Your Comment