Skip to main content

South West MoF

GOLAHA WAKIILLADA DKGS OO ANSIXIYEY DIB-U-EEGISTA MIISAANIYADDA SANAD-MAALIYADEEDKA 2026

Baydhabo, 31 Agoosto 2026: Wasiirka Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamed Xaaji, ayaa maanta Golaha Wakiillada horgeeyey Dib-u-eegista Miisaaniyadda Sanad-Maaliyadeedka 2026, isagoo khudbad ka jeediyey muhiimadda ay miisaaniyaddu u leedahay qorsheynta iyo fulinta mudnaanta Dowladda, isla markaana ka codsaday Golaha Wakiillada inay ansixiyaan.
Kaddib dood iyo falanqeyn dheer oo ay Xubnaha Golaha Wakiilladu ka yeesheen qodobbada iyo qorshaha Dib-u-eegista Miisaaniyadda, Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyey Dib-u-eegista Miisaaniyadda Sanad-Maaliyadeedka 2026.
Dib-u-eegista Miisaaniyaddu waa tallaabo muhiim ah oo lagu cusboonaysiinayo qiyaasaha dakhliga gudaha, deeqaha iyo kharashaadka Dowladda, si ay ula jaanqaadaan xaaladda dhaqaale, baahiyaha jira iyo mudnaanta Dowladda inta ka harsan sanad-maaliyadeedka 2026.
Kaddib ansixinta, Wasiirka Maaliyadda, Mudane Xuseen Maxamed Xaaji, ayaa uga mahadceliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Dr. Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, Mudane Aadan Xasan Maxamed, iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wakiillada, dooddii, talooyinkii iyo taageeradii ay ka muujiyeen Dib-u-eegista Miisaaniyadda.
Wasiirku waxa uu sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cali Cabdi Aadan, iyo Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda, Mudane Cabdicasiis Macallim Xuseen, dadaalkooda, hawlkarnimadooda iyo doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen diyaarinta iyo soo gudbinta Dib-u-eegista Miisaaniyadda Sanad-Maaliyadeedka 2026.
Wasaaradda Maaliyadda waxay ka go’an tahay in Dib-u-eegista Miisaaniyadda loo fuliyo si hufan, daahfuran oo mas’uuliyad leh, iyadoo la ilaalinayo mudnaanta Dowladda iyo danta guud.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir Xafiiska Isgaarsiinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Email: info@mofswss.so
Twitter: @mofswss
           
Previous WASIIRKA MAALIYADDA DKGS OO KA QEYB GALAY SHIRKA AMNIGA EE DOWLADDA KOONFUR GALBEED

Leave Your Comment