Diseembar 29, 2024 -In WARARKA
Golaha Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed oo maanta yeeshay kulan ku saabsanaa akhrinta 2-aad ee miisaaniyadda sanadka 2025.
Qaar kamid xubnaha Baarlamaanka ayaa weydiiyey Wasiirka Maaliyadda su’aalo iyo faahfaahino ku aadan miisaaniyadda 2025.
Wasiirka Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Xuseen ayaa ka jawaabay dhammaan su’aalihii ay weydiiyeen xubnaha Baarlamaanka kamid ahaa isagoo faahfaahin buuxda ka bixiyey miisaaniyadda 2025 ayna tahay mid si dhab ah uga tarjumeysa baahiyaha Shacabka.
Golaha Baarlamaanka ayaa ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025, taasoo ah mid ku saleysan wadatashi iyo wadajir.
Ugu dambayn Wasiirka ayaa u mahadceliyay Guddoonka Golaha Baarlamaanka iyo dhammaan xubnaha Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed ansaxinta miisaaniyadda 2025.
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir Xafiiska Tiknoolojiyada iyo xiriirka Warbaahinta Wasaaradda Maaliyada DKGS.
