Diseembar 28, 2024 – In WARARKA
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Axmed Maxamed Xuseen oo uu wehliyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Qaasim Maxamed Abukar iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaeadda Maaliyadda Mudane Cali Cabdi Aadan ayaa Golaha Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed horgeeyay odoroska Miisaaniyadda sanadka 2025.
Wasiirka Maaliyadda ayaa aqrinta koowaad ee Miisaaniyadda 2025 ka codsaday Golaha Baarlmaanka in ay si faahfaasan uga doodaan qeybaha kala duwan oo ay ka kooban tahay Miisaaniyadda ayna ansaxiyaan Miisaaniyadda si ay dhaqangal u noqoto sanadka 2025.
Miisaaniyadda guud ee Dowladda ayaa lagu qiyaasay 40 Milyan oo Dollar sanadka 2025, taasoo qorshuhu yahay in lagu horumariyo adeegyada Bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo Maamulka Dowliga.



