Skip to main content

South West MoF

WASIIRKA MAALIYADDA DKGS OO XARIGGA KA JARAY XAFIISKA WASAARADDA MAALIYADDA EE DEGMADA BARAAWE, GOBOLKA SHABEELLAHA HOOSE

Baraawe, 23 Agoosto 2026: Wasiirka Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamed Xaaji, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Baraawe, Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo muhiim u ah xoojinta maamulka maaliyadda iyo adeegyada maaliyadeed ee bulshada deegaanka.
Munaasabadda xarig-jarka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DKGS, Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Duqa Degmada Baraawe, Isku-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Isku-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Baraawe iyo shaqaalaha Maaliyadda ee degmada.
Xafiiskan ayaa door muhiim ah ka qaadanaya xoojinta maamulka maaliyadda, kor u qaadista dakhliga gudaha iyo fududeynta adeegyada maaliyadeed, iyadoo adeegyada Wasaaradda si toos ah loogu gaarsiinayo bulshada deegaanka.
Hirgelinta Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Baraawe waxay qeyb ka tahay dadaallada Wasaaradda Maaliyadda ee lagu xoojinayo adeegyada dowladda iyo maamulka dakhliga, si bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ay u helaan adeegyo maaliyadeed oo hufan, dhow oo la isku halleyn karo.
DHAMMAAD
Previous WASAARADDA MAALIYADDA DKGS OO BAARAWE KU QABATAY KULAN KU SAABSAN KOR U QAADISTA DAKHLIGA

Leave Your Comment