Skip to main content

South West MoF

WASIIRKA MAALIYADDA DKGS OO KA QEYB GALAY SHIRKA AMNIGA EE DOWLADDA KOONFUR GALBEED

Baydhabo: Wasiirka Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamed Xaaji, ayaa ka qeyb galay shirka amniga ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo uu guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Isaak Maxamed Isaak (Korsaar), waxaana lagu qabtay xarunta Wasaaradda Amniga ee Magaalada Baydhabo.
Kulanka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Baay, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo iyo saraakiisha hay’adaha amniga.
Intii uu socday kulanka, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga guud, adkeynta wada shaqeynta hay’adaha amniga, qiimeynta xaaladaha amni ee Gobolka Baay iyo Magaalada Baydhabo, iyo sidii loo sii xoojin lahaa qorshayaasha lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada.
Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo hay’adaha amnigu si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo amni waara iyo xasillooni ka hanaqaadda deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir Xafiiska Isgaarsiinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Email: info@mofswss.so
Twitter: @mofswss

Website: https://southwestmof.so

See less
Previous WASIIRKA MAALIYADDA DKGS OO XARIGGA KA JARAY XAFIISKA WASAARADDA MAALIYADDA EE DEGMADA BARAAWE, GOBOLKA SHABEELLAHA HOOSE

Leave Your Comment