South West MoF

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed ayaa soo saartay warqad ay sumadeedu tahay DKGS/XW/WM/003/01/2025, ujeed keeduna yahay canshuur dhaaf Gaadiidka, sida uu qabo xeerka dakhliga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya xeer lambar 9/2018 ee uu ansaxiyay Baarlamaanka Koonfur KGS in canshuur dhaaf loo sameeyo Gaadiidka isaga goosha dhammaan Deegaanada Dowladda.

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed waxay canshuur dhaaf u samaynaysaa 30% Gaadiidka dhexmara Degmooyinka kala ah Wanlweyn, Buurhakaba iyo Berdaale kadib markii ay sheegteen caqabado kala duwan oo soo wajahay. Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir Xafiiska Tiknoolojiyada iyo xiriirka Warbaahinta Wasaaradda Maaliyada DKGS. Booqo Ciwaanada Wasaarada Maaliyadda DKGS. Facebook: https://www.facebook.com/mofswss?mibextid=ZbWKwL Twitter:@mofswss Website:https://southwestmof.so/