Skip to main content

South West MoF

WASAARADDA MAALIYADDA DKGS OO BAARAWE KU QABATAY KULAN KU SAABSAN KOR U QAADISTA DAKHLIGA

Baraawe, 22 Agoosto 2026: Wasiirka Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamed Xaaji, oo uu wehelinayo Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DKGS, Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa maanta kulan la yeeshay Isku-duwaha Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Hoose, shaqaalaha Maaliyadda Degmada Baraawe iyo hay’adaha amniga ee Gobolka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista dakhliga Dowladda, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha iyo hirgelinta Sharciga Canshuuraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta Maaliyadda iyo hay’adaha amniga, si loo xoojiyo nidaamka dakhliga, loo hubiyo u hoggaansanaanta shuruucda canshuuraha, loona horumariyo adeegyada bulshada.
DHAMMAAD
Previous Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Koonfur Galbeed ayaa soo saartay warqad ay sumadeedu tahay DKGS/XW/WM/003/01/2025, ujeed keeduna yahay canshuur dhaaf Gaadiidka, sida uu qabo xeerka dakhliga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya xeer lambar 9/2018 ee uu ansaxiyay Baarlamaanka Koonfur KGS in canshuur dhaaf loo sameeyo Gaadiidka isaga goosha dhammaan Deegaanada Dowladda.

Leave Your Comment